4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Deni oo qiray in Al-shabaab iyo Daacish cabsi badan ku hayaan Puntland
 

Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa muujiyay walaac amni oo weyn oo Puntland iyo shacabkeeda ka qabaan labada buurood ee ay ku kala jiraan Al-shabaab iyo Daacish.

Al-shabaab iyo Daacish ayaa saldhigyo ku leh dhulka buuralayda ee ku hareeraysan inta badan magaalo xeebeedka Bosaso.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay sanadkaan 2020 inay Puntland soo afjaridoonto dagaalka labada buurood ka socda ayna shacabka ka bixidoonaan cabsida ay ka qabaan labadaas kooxood.

Waxaa madaxweynuhu muujiyay in cabsida la qabo ay saameyn ku yeelatay horumarkii socday, uuna aaminsan yahay dad badan oo saxaafada ka hadla cabsi darteed in ay u hadlaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]