3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2020
Dufcaddii 6aad oo ka qalinjabisay maanta Jaamacadda Hiiraan University ee magaalada Beledweyne


Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Munaasabad lagu soo bandhigay 103 Ardey ah oo noqonaya dufcaddii 6aad oo ka Qalinjabisay Jaamacadda 'Hiiraan University'' ayaa maanta oo Jimco ah lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay oo goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka gobolka Hiiraan, Madaxda Jaamacadda, Ururadda Jaamacadaha, Waaliddiin, Arday iyo Marti Sharaf kale.

Aqoonyahannadii goobjooga u ahaa munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Prof Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ah aas-aasayaashii Jaamacadda, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddoomyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale.

Prof Axmed Muumin Warfaa oo la hadlay Ardeyda Qalinjabisay ayaa ku booriyay in ay horey u sii wataan waxbarashadooda, isaga oo dhinaca kalana ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay Jaamacadda.

Mas'uuliyiinta Jaamacadda oo dhankooda ka hadlay goobta ayaa sheegay in Jaamacada lagu soo kordhiyey Kulliyado cusub oo ay  wax ka dhigayaan Macalimiin Aqoontooda sareysa islamarkaana khibrad u leh sida  wax loo baro Ardayda waxaana ay u hambalyeeen dhammaan Ardada dhameysatay heerka koowaad ee Jaamaadda. 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay in ay ugu deeqeen Jaamacadda Dhul cusub madaama dhismihii Jaamacadda xarun ka dhigteen oo ay deggan yihiin ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Guud ahaan marka la eego Jawiga ayaa ahaa mid aad u qurux badan iyadoo wajibada Ardeyda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin in maanta ay hergaliyeen qeyb ka mid ah hankoodii Tacliinta Sare. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 

 

 













Click here
1/17/2020 8:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 15 ka tirsan dagaalyahannada Ururka Al-shabaab ku dileen iska horimaad ka dhacay deegaanka Xaaji Cali Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe

1/17/2020 4:06 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)- Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen musharax xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan

1/17/2020 2:20 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Maanta oo Jicmo ah ayaa lagu waddaa in degmada Dhuusa-Mareeb lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug

1/17/2020 12:19 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn deegaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab