4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2020
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo goor dhaw ka dhaceysa degmada Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Maanta oo Jicmo ah ayaa lagu waddaa in degmada Dhuusa-Mareeb lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug.

Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku sii qulqulaya Hool la filayo in ay ka dhacdo doorashada, iyadoo doorashadaana ay goobjoog ka noqon doonaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka ku tartami doona musharixiinta kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan iyadoo uu tanaasulay mussharixiin saddexaad C/llaahi Axmed Calasow Shiine.

Maalmihii ugu danbeeyayba degmada Dhuusa-Mareeb waxaa ka soconayay ololaha doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo musharixiinta isku haya ay gadaal ka riixayaan dhinacyada ku wada Lugta leh dhismaha Galmudug laakiin siyaasad ahaan iska soo horjeeda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]