Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn deegaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in duqayntan lala beegsaday laba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasi oo weerarka lagu dilay, sida ay muujinayso xogta laga helay ilaha dawladda.
Saraakiisha dowladda ma aysan shaacin magacyada xubnaha lagu bartilmaameedsaday duqeynta
Dhinaca Ururka Al-shabaab kama aysan hadlin warka ku saabsan xubnaha ka tirsanaa ee la sheegay in duqeynta lagu dilay
Mareykanka oo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ayaa xoojiyay duqeynaha ay ka geysanayaan deegaannada ay maamulaan Ururka gaar ahaan gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubbooyinka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]