4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Dowladda Soomaaliya'' Waxaan howlgal ku dilnay Madaxii Qaraxyada Ururka Al-shabaab

 

Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo hadlay Guutada DANAB ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka oo laga fuliyay degmada Wanlaweyn shaqsiga ka hor inta aan la toogay uu la dagaamay sida uu hadalka u dhigay ciidamadii howlgalka ku jiray.

Qofka la dilay ayuu magaciisa ku sheegay Maxamed Cismaan Xusseen Buluush oo ay ku eedeeyeen in uu Al-shabaab uga madax ahaa Howlgalada Qaraxyada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda ee Sooamaaliya.

Dhawaan ayeey aheyd howlgal ciidamada dowladda ay sidoo kale ka sameeyeen deegaanka Tooratooroow lagu dilay xubno sarsare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]