3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Raysal Wasaarihii Russia iyo xukuumadiisa oo dhamaantood iscasilay
 

Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Russia Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay.

Go’aankaan ayaa noqday hadal yaab leh oo lasii daayay waxyar un kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu jeediyay

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay iscasilaadooda,  wuxuuna uga mahadceliyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii  shaqeeyan  ilaa mid cusub laga dhisi doono.

Go’aanka iscasilaada ah ayaa loo maleynayaa inuu yimid kadib markii Madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Russia, si loo xaddido madaxweynaha in uu laba waqti  xafiiska yimaado.

Qorshaha Putin, ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka - la siin doono awood ay ku magacaabaan ra'iisul wasaaraha iyo golaha intiisa kale, iyada oo laga soo horjeedo kaliya in la oggolaado murashaxnimadooda sida ay hadda tahay.

Medvedev wuxuu noqday ra'iisul wasaare 2012, ka dib markii uu afar sano madaxweyne ahaa. Hada wuxuu madax u yahay xisbiga talada haya ee United Russia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/15/2020 2:39 PM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Khilaaf ayaa ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii bankiga Puntland, Cabdi Ismaaciil Boos, kadib markii madaxweyne Deni uu xilkaas u magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Abdirisaaq Warsame Seeraar.

1/15/2020 10:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii ay ku cadaatay dilka ay gaysteen

1/15/2020 4:33 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso Amaanka Macalimiinta Gobolka Waqooyi Barri kaddib markii ay bartilmaameed u noqdeen xoogagga Ururka Al-shabaab

1/15/2020 4:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Shirka iskaashiga iyo adkaynta nabad galiyada xuduudaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawlad gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa saakay ka furmay magaalada Wardheer ee xarunta gobalka Doollo.

1/15/2020 3:38 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraadka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.

1/15/2020 2:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

1/15/2020 12:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha DDegmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay islamarkaana iska diiday xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.