1/25/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Kenya'' Amaanka Macalimiinta oo la adkeey-nayo kaddib weerarkii Al-shabaab


 

Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso Amaanka  Macalimiinta Gobolka Waqooyi Barri kaddib markii ay bartilmaameed u noqdeen xoogagga Ururka Al-shabaab

Macalimiinta gobolka ayaa bilaabay in ay isaga cararraan deegaanka kaddib iyaga oo baqdin weyn ka qaba weerarro kale oo uga yimaada dagaalamayaasha Al-shabaab oo dhowr jeero oo hore ku dilay macalimiin Dugsiyana Dab qabadsiiyay.

Prof. George Magoha oo ah Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada dalka Kenya ayaa sheegay in dowladdu xoogga daari doono sidii loo adkey lahaa Amniga Macalmiinta gaar ahaan kuwa aan ka soo jeedin gobolka Waqooyi Bari.

Dhawaan ayeey aheyd markiii weerar ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka lagu dilay Ardey iyo Macalimiin taasoo keentay in qeybaha kala ee gobolka ay isaga tagaan Macalimiintii ku sugneyd.

Kenya ayaa la daalaa-dhaceysa sidii ay uga hortagi laheyd weerarada Ururka Al-shabaab oo u muuqda kuwo joogta ka noqday gaar ahaan marka la eego saldhigyada ciidamada iyo goobaha waxbarashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 

 

 










Click here
1/15/2020 2:39 PM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Khilaaf ayaa ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii bankiga Puntland, Cabdi Ismaaciil Boos, kadib markii madaxweyne Deni uu xilkaas u magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Abdirisaaq Warsame Seeraar.

1/15/2020 10:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Russia Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay.

1/15/2020 10:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii ay ku cadaatay dilka ay gaysteen

1/15/2020 4:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Shirka iskaashiga iyo adkaynta nabad galiyada xuduudaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawlad gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa saakay ka furmay magaalada Wardheer ee xarunta gobalka Doollo.

1/15/2020 3:38 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraadka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.

1/15/2020 2:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

1/15/2020 12:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha DDegmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay islamarkaana iska diiday xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.