3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Shirka nabad galyada iyo xuduudaha ee DDS iyo Puntland oo ka furmay magaalada Wardheer


Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Shirka iskaashiga iyo adkaynta nabad galiyada xuduudaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawlad gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa saakay ka furmay magaalada Wardheer ee xarunta gobalka Doollo.

Taliyaha ciidamada Ethiopia major general Baley Zawdhu, ayaa ka qeyb galay shirkaan, iyadoo dhanka deegaankana ay ka qeyb galeen ku xigeenka hoggaanka nabad galyada Cabdilaahi Maxamed, taliyaha guud ee ciidamada gaarka ah R/komishiner Maxamed Axmed Maxamuud iyo masuuliyiin kale.

Puntland, waxaa uga qeyb galay, Wasiirka arimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha Cabdiqafaar Xaange iyo wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

Shirkaan la iskugu yimid ayaa ka dambeeyay kadib markii ay kordheen falalka nabad gelyo xumada ee kusoo gudba  xuduudaha labada dhinac.

Dowlad degaanku wuxuu dhawaan magaalada Qardheer  ku qabtay gaari lagusoo qariyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay inuu kasoo galay dhinaca Puntland, waxaa sidoo kale jiray in dmabiilayaal dambiyo kasoo gala dhinacooda ay usoo baxsadaan dhinaca degaanada Puntland.

Dhinaca Puntland, waxay qaati ka taagan yihiin maandooriyaha Qamriga oo si aan kala joogsi lahayn loogasoo galiyo dhinaca xuduuda Ethiopia, taasoo abuurtay nabad gal xumo iyo fasahaad bulshada dhexdeeda ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/15/2020 2:39 PM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Khilaaf ayaa ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii bankiga Puntland, Cabdi Ismaaciil Boos, kadib markii madaxweyne Deni uu xilkaas u magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Abdirisaaq Warsame Seeraar.

1/15/2020 10:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Russia Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay.

1/15/2020 10:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii ay ku cadaatay dilka ay gaysteen

1/15/2020 4:33 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso Amaanka Macalimiinta Gobolka Waqooyi Barri kaddib markii ay bartilmaameed u noqdeen xoogagga Ururka Al-shabaab

1/15/2020 3:38 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraadka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.

1/15/2020 2:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

1/15/2020 12:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha DDegmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay islamarkaana iska diiday xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.