4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Imaaraatka Carabta oo todobaadkaan 5,000 oo Adhi ah kadhoofsanaya Somaliland
 

Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraatka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.

Shixnad u socota ka bariga dhexe ayaa lagu wadaa inay ka dhoofto  dekada Somaliland ee Berbera iyada oo ay saaranyihiin tiro ka badan 5,000 oo Adhi ah.

Tani waxay timid bilo kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu wadahadal la yeeshay hoggaanka UAE inta lagu guda jiray booqashadii bishii Abriil ee la soo dhaafay.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sameeyo gudi isku dhaf ah oo qaabilsan dhoofinta xoolaha.

"Waxaan heshiis la gaarnay dalka Isutaga Imaaraatka carabta in la dhiso guddi dhoofinta xoolaha nool oo ay wada dhistaan labada dal," ayuu yiri Professor Yaasiin Maxamuud Xiir 'Faratoon', Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Guddigaan wuxuu ka qeyb qaadan doonaaa dhammaan arrimaha la xiriira caafimaadka, dhoofinta, iyo sharciyeynta dhoofinta xoolaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]