3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan

 

Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cummaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 

 













Click here
1/14/2020 10:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)-Duleedka magaalada Laascaanood ayaa laga dhagax dhigay Deked-qalalan

1/14/2020 10:19 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Imaam u dhashay waddanka Uganda, oo ka mid ah wadaaddada ugu caansan dalkaas ayaa xiriirka loo jaray ka dib markii "uu guursaday nin uu u maleynayay inuu yahay haweeney", sida uu qoray wargeyska Daily Monitor.

1/14/2020 8:48 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen injineerro Turkish ah.

1/14/2020 8:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

1/14/2020 7:06 AM EST
Talaado, Janaayo, 14. 2020 (HOL)–Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si rasmi ah u daah-furay adeega E-shilling, kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah ama Online ah.

1/14/2020 3:29 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Hay'adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay abaal marin Lacageed ku bixinayaan cidii soo sheegta macluumaadka shaqsiyaad katirsan kooxda Alshabaab oo ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukunno dil ah.

1/14/2020 3:07 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh.

1/14/2020 1:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)-Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu shir uga furmo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle

1/14/2020 1:29 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal maalintii shalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanka Tooratooroow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.