5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Duleedka magaalada Laascaanood ayaa laga dhagax dhigay Deked-qalalan

 


Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)-Duleedka magaalada Laascaanood ayaa laga dhagax dhigay Deked-qalalan

Siciid Xasan Cabdilaahi Maareeyaha dekedaha ayaa dhagax-dhiga ka dib sheegay in dekedan ay noqon doonto mid agabyada ka soo dega Berbera la keeni doon iyadoo halkan hawshii lagu qaban lahaa berbera halkan lagu soo fududeeyey.

Mas'uuliyiinta  heer degmo iyo gobol oo halkaasi ka hadlay ayaa  soo dhoweeyey  talaabadan oo ay sheegeen in ay soo kordhinayso waqabad balaadhan oo u  soo kordha gobolka, taas oo ay sheegeen in taabagelinteeda hawl badan  loo soo maray.
 
Waxgaradka degaanka Ganbadhe ayaa soo dhoweeyey qorshan cusub oo ay sheegeen in ay ka faaiidaysanayaan, waxaanay xuseen in ay bixiyeen dhul dhan 300x300 in hadii loo baahdana ay bixin doonaan wixii ka badan ee loo baahda.

Dekekedan aan biyaha lahayn ayaa ah sida ay masuuliyiintu sheegeen mi hawlihii ganacsatada ee Berbera wax uga soo degaan ay hawl fududayn u tahay iyadoo cashuirihii iyo waxyaabihii kaleba ay halkaas ka heli doonaan.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool