1/25/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Sheekh reer Uganda ah oo loo aqal geeyay nin halkii uu gabar ka sugayay



Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Imaam u dhashay waddanka Uganda, oo ka mid ah wadaaddada ugu caansan dalkaas ayaa xiriirka loo jaray ka dib markii "uu guursaday nin uu u maleynayay inuu yahay haweeney", sida uu qoray wargeyska Daily Monitor.

Sheekh Maxamed Mutumba ayaa argagaxay markii uu ogaaday in qofka xijaabka xiran ee uu u heystay xaaskiisa uu yahay nin lagu magacaabo Richard Tumushabe.

Wadaadkan, oo sida la sheegay la khiyaanay, ayaa u maleynayay inuu guursaday haweeney la yiraahdo Swabullah Nabukeera, sida uu faahfaahiyay wargeyska.

Xogtan, oo sheekadeeda si weyn loo hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu sheegay in khiyaanada shaaca laga qaaday ka dib markii ay boolisku xireen Tumushabe, oo lagu tuhmay inuu telefishin iyo dhar ka xaday guri daris la ah guriga cusub ee xaas ahaanta loo dajiyay.

"Haweeney askariyad ah oo ka tirsan booliska oo howlahooda caadiga ah ku guda jira, ayaa baaritaan ku sameysay "qof dumar ah", oo markii dambe xabsiga saldhigga la geeyay. Hase ahaatee waxaa la argagaxay markii baaritaanno dheeri ah lagu sameeyay oo la fahmay in qofkii dumarka loo maleynayay uu yahay nin isqarinayay", sidaas waxaa yiri Mr Mugera, oo uu soo xigtay wargeyska.


Sheekh Mutunba - oo imaam ka ah masaajid ku yaalla xaafadda Kyampisi, oo qiyaastii 100km (62 miles) dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Kampala - ayuu wargeysku sheegay inuusan gogol la wadaagin qofka uu u heystay xaaskiisa cusub, ka dib markii ninka haweeneyda iskadhigayay uu u sheegay inuu caado qabo.

"Durbaba waxaan ninka la xiray kusoo oognay dacwado isugu jira, khiyaano muuqaal baddalis ah, tuugnimo iyo inuu si sharci darro ah qalab ku qaatay isagoo been ka sheegaya aqoonsigiisa saxda ah", ayuu yiri Mr Mugera, oo lasoo xigtay.

Wargeyska Daily Monitor ayaa soo tabiyay in Sheekh Abdul Noor Kakande, oo ah qaaddiga gobolka, uu dhacdadan ku tilmaamay mid nasiib darro ah, haddana baaritaanno lagu wado imaamka.

 

Waxaa kale oo lagu soo warramay in Sheekh Isa Busuulwa, oo ah imaamka ugu weyn masjidka uu sheekh Mutunba khudbadaha ka jeedin jiray, uu sheegay in hadda xiriirka loo jaray wadaadkaas, iyadoo la dhowrayo sharafta muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Daily Monitor ayaa intaas ku daray in Sheekh Mutunba uusan gurigiisa tagin afartii maalmood ee lasoo dhaafay.

"Aad buu ugu niyad jabay waxa dhacay, wuxuuna u baahan yahay in la talin loo sameeyo", waxaa sidaas laga soo xigtay ilo-wareedyo aan la magaacin.

Laakin ilaa iyo hadda lama sheegin cidda kale ee ku lugta lahayd dhacdadaas, ama suurtagalisay in sheekha nin loogu baddalo gabadhii uu guursanayay.

Xigasho BBC









Click here
1/14/2020 11:13 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

1/14/2020 10:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)-Duleedka magaalada Laascaanood ayaa laga dhagax dhigay Deked-qalalan

1/14/2020 8:48 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen injineerro Turkish ah.

1/14/2020 8:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

1/14/2020 7:06 AM EST
Talaado, Janaayo, 14. 2020 (HOL)–Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si rasmi ah u daah-furay adeega E-shilling, kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah ama Online ah.

1/14/2020 3:29 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Hay'adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay abaal marin Lacageed ku bixinayaan cidii soo sheegta macluumaadka shaqsiyaad katirsan kooxda Alshabaab oo ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukunno dil ah.

1/14/2020 3:07 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh.

1/14/2020 1:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)-Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu shir uga furmo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle

1/14/2020 1:29 AM EST
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal maalintii shalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanka Tooratooroow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.