3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Ciidamada Dowladda oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ah saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab.

Deegaanka Tooratooroow saldhiggii ugu weynaa ee Ururka Al-shabaab iyo xaruntii ugu weyneyn ee Maxkamadaha dadka lagu kala saaro ee laga aadi jiray dhulka ay dowladdu maamusho..

Ciidamada la wareegay deegaankan Tooratooroow ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Guutada Danab ee ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar dhabgal ah ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo  Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan la wareegida ciidamada dowladda ee saldhiggoodii ugu weynaa marka la eego guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose. 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/13/2020 12:09 PM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab toogasho ku dileen saddex Macalin degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

1/13/2020 6:24 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in madxweyne Biixi diiday in uu kala diro guddida cusub ee doorashooyinka oo lagu balansanaa in la kala diro oo dib loo soo celiyo gudidii hore ee xilku ka dhamaaday.

1/13/2020 5:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Al-shabaab ayaa dilay 3 macallimiin dugsi hoose ah iyo dhaawaca hal arday, kadib markii ay weerar ku qaadeen tuulada Kamuthe, oo ka tirsan gobolka Gaarisa abbaara labadii habeenimo ee xalay.

1/13/2020 5:07 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan heerka howlgalka Midawga Yurub ee Awoodda Dhismaha Soomaaliya (EUCAP Somalia).

1/13/2020 3:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan

1/13/2020 1:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

1/13/2020 12:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Donald Trump ayaa dib u soo cusbooneysiiyay hanjabaadiisa ku aadan in uu si qasab ah shidaalka uga xadayo Syria, waana tilaabo ay khubaradu sheegeen in ay noqon karto dambi dagaal.