Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka mid noqonayaa madax ka socota Caalamka oo qulqulaya dalka Cummaan si ay uga qeyb qaataan tacsida loo sameynayo Suldaan Qaboos bin Said Al Said oo maalmo ka hor geeriyooday.
Madaxda socta caalamka ayaa ku sii qulqulaya dalka Cummaan waxaana ay ka tacsiyo gudanayeen Suldaanka cusub ee Cumaan Suldaan cusub ee Cummaan Sultan Haitham bin Tariq Al Said.
Suldaan Qaboos oo muddo 50 sano ah maamulayay dalkaa ayaa dhinaca kale ahaa Hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Carab, waxaana uu ka talinayay Saldanada Cummaan muddo 50 sano ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Cummaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka cusub ee dalka Cumman,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda Cumaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]