4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Al-shabaab oo Afar ruux ku toogatay goob fagaaro ah gobolka Shabeellaha Hoose


Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Raggan ay Al-shabaab toogeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in maamul hoosaadka degmada Kuntuwaareey,

Xassan Cusmaan Cali Abayle oo ay Shabaab sheegeen in uu ka  tirsanaa ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgallaan aadna  looga yaqaanay degmadaas.

Xassan Faarax Maxamad ayeey ku sheegeen in uu ka  tirsanaa ciidamada dowladda, isla markaana ay qabteen isaga oo ku sii socda sida ay hadalka u dhiggeen degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Qofka Afaraad oo ah Xuseen Xassan Geelle ayee ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhaw degmada Qor-yooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma'aha markii ugu horreysay oo Al-shabaab sidan oo kale goob fagaarro ah ku toogtaan dad ay ku eedeeyeen in ay siyaabo kala duwan ula shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]