1/25/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Madaxweyne Trump oo mar kale ku hanjabay inuu si xoog ah shidaalka uga xadayo Syria



Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Donald Trump ayaa dib u soo cusbooneysiiyay hanjabaadiisa ku aadan in uu si qasab ah shidaalka uga xadayo Syria, waana tilaabo ay khubaradu sheegeen in ay noqon karto dambi dagaal.

Madaxweynaha ayaa difaacay go'aankiisii ahaa in ciidammada Mareykanka ee laga saaray Siiriya bishii Oktoobar ay halkaas u joogeen oo keliya sugidda haamaha shidaalka ee Suuriya.

“Waxay dhaheen wuxuu ka tagey ciidamada Siiriya… ma ogtahay waxaan sameeyay? Waxaan qaatay saliida, ”ayuu yidhi  Trump xilli uu wareysi siinayay Fox News.

Bishii Oktoobar, wax yar un ka dib bixitaankiisii kadiska ahaa ee ciidamada Mareykanka, madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu doonayo shirkad Mareykan ah oo shidaal ugasoo qaada Siiriya iyada oo wakiil ka ah dowladda.

"Waxaan damacsan yahay inaan heshiis la galo ExxonMobil ama mid ka mid ah shirkaddeena waa weyn si ay halkaas u galaan (Siiriya) oo ay si sax ah u fuliyaan go’aankayga," ayuu yidhi Trump.

Si kastaba ha noqotee, tallaabada noocan oo kale ah waxay u eg tahay boob iyo bililiqo, waana ficillo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo xeerarka dagaalka.

Heshiiska Geneva, oo Mareykanku qeyb ka yahay saxiixayaashiisa, wuxuu si cad u mamnuucayaa boobka hantida inta lagu jiro isku dhacyada, isagoo ku qeexay inuu yahay fal dambiyeed dagaal.

Kahor intuusan soo gelin Aqalka Cad, Mr Trump wuxuu dhowr jeer yiri Mareykanka waa in ay saliida ka qaataan wadamada kale ee bariga dhexe oo ay ciidamada Maraykanka joogaan sida Iraq iyo Liibiya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
1/13/2020 12:09 PM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab toogasho ku dileen saddex Macalin degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

1/13/2020 7:29 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ah saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab

1/13/2020 6:24 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in madxweyne Biixi diiday in uu kala diro guddida cusub ee doorashooyinka oo lagu balansanaa in la kala diro oo dib loo soo celiyo gudidii hore ee xilku ka dhamaaday.

1/13/2020 5:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Al-shabaab ayaa dilay 3 macallimiin dugsi hoose ah iyo dhaawaca hal arday, kadib markii ay weerar ku qaadeen tuulada Kamuthe, oo ka tirsan gobolka Gaarisa abbaara labadii habeenimo ee xalay.

1/13/2020 5:07 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan heerka howlgalka Midawga Yurub ee Awoodda Dhismaha Soomaaliya (EUCAP Somalia).

1/13/2020 3:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan

1/13/2020 1:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.