4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Puntland oo ka digtay roobab duufaano wata oo kusoo fool leh degaanadeeda
 

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Maamulka Puntland ayaa digniin ka bixiyay Roobab dufaano Wata oo kusoo foodleh xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Dabaylaha oo ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H illaa 40KM/H, ay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga.

 Culimada saadaasha hawada waxay sheegeen in muddo sadex cisho ah  oo bilaabanaysay maantay illaa 14 Jan-2020 ay kusoo fool leeyihiin Xeebaha Puntland.

Wasaaraddu waxay u digtay  dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.

Qaar kamid ah magaalooyinka Puntland ayaa haatan laga dareemayaa jawi ka badelan sidii hore, waxaana bilowday jawi roobaad iyo neecow qabow.

Waa markii labaad oo ay muddo kooban gudaheed Puntland ku dhufanayso dabeyl roobab wadata, iyadoo la xasuusto in bishii December ee sanadkii hore ay Puntland ku dhufatay duufaan xoogan oo geysatay khasaare dhimasho iyo burburba leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]