4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland iyo garsoorayaal kale
 

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiye ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo garsoorayaal kale oo gaaraya illaa shan xubnood.

Halkaan hoose ka aqriso garsoorayaasha xilka laga qaaday iyo guddoomiyaha cusub ee la magacaabay

1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sid, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Madaxweyne Deni ayaa magacaabistaan ku tilmaamay dib-u-habeyn lagu sameynayo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland.

24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaa madaxweyne Deni uu sidoo kale magacaabay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen guddoomiyaha baanka dhexe, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyayaal degmo iyo kuwo gobol.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]