Axad, Janaayo 12, 2020 (HOL)-Mashruuca horumarinta degmooyinka ee loogu yeedho JPLG 'Joint Programme on Local Governance' ayaa munaasibad lagu durayo lagu qabtay hotel Casuura ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan
ee bulshada, maamulka heer gobol iyo degmo iyo masuuliyiin ka socdey
mashruucan ayaa si aad ah loogu qaadaa dhigay faa'iidada mashruucan u
leeyahay degmooyinka iyo bulshada ku noolba.
Qaar
ka mid ah ganacsadada ugu miisaanka culus gobolka Sool oo halkaasi ka
hadlay ayaa isu daba maray in ay diyaar u yihiin wixii waxqabad ah ee
dan u ah bulshada "dawlada Hoose ha la timaado mashaariic waxtar leh
anagana lacagta ha na weydiiso" sidaa waxaa yidhi Cali Cabdi Xaashi
madaxa shirkadda isgaadhsiinta Telesom ee gobolka Sool.
Waxgarad
iyo cuqaal halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan
mashruucan diyaarna diyaarna u yihiin inay isgarab taagaan, baahi badan
in loo qabana waa ay xuseen.
"Mashruucan
in badan baan daba taagnayn si looga faa'iidaysto maantana waatan aan
daahfurayno, waxaana u mahad celinayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arimaha
Gudaha oo ku adkaystay in mashruucan la gaadhsiiyo degmooyinka
Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynabo" sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha
degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan.
Garaad
Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo gunaanadkii munaasibada ka hadlay ayaa
waxa uu soo dhoweeyey mashruucan waxaanu bulshada kula dardaarmay in ay
taageeraan mashruucan iyo wixii faa'iido u soo kordhinaya.
Mashruucan
oo la sheegay in degmooyinkan ay fulinayso Somaliland ayaa la eegi
doonaa heerka wax qabad ee uu ku soo kordhin doono degmada Laascaanood,
waxaanu ku soo beegmay xili golaha degaanka uu ka dhamaad mudo
xileedkooda.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool