4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Mashruuca horumarinta degmooyinka JPLG oo laga bilaabay magaalada Laascaanood


Axad, Janaayo 12, 2020 (HOL)-Mashruuca horumarinta degmooyinka ee loogu yeedho JPLG  'Joint Programme on Local Governance' ayaa munaasibad lagu durayo lagu qabtay hotel Casuura ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka heer gobol iyo degmo iyo masuuliyiin ka socdey mashruucan ayaa si aad ah loogu qaadaa dhigay faa'iidada mashruucan u leeyahay degmooyinka iyo bulshada ku noolba.
 
Qaar ka mid ah ganacsadada ugu miisaanka culus gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay ayaa isu daba maray in ay diyaar u yihiin wixii waxqabad ah ee dan u ah bulshada "dawlada Hoose ha la timaado mashaariic waxtar leh anagana lacagta ha na weydiiso" sidaa waxaa yidhi Cali Cabdi Xaashi madaxa shirkadda isgaadhsiinta Telesom ee gobolka Sool.

Waxgarad iyo cuqaal halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan mashruucan diyaarna diyaarna u yihiin inay isgarab taagaan, baahi badan in loo qabana waa ay xuseen.

"Mashruucan in badan baan daba taagnayn si looga faa'iidaysto maantana waatan aan daahfurayno, waxaana u mahad celinayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha oo ku adkaystay in mashruucan la gaadhsiiyo degmooyinka Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynabo" sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan.

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo gunaanadkii munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu soo dhoweeyey mashruucan waxaanu bulshada kula dardaarmay in ay taageeraan mashruucan iyo wixii faa'iido u soo kordhinaya.

Mashruucan oo la sheegay in degmooyinkan ay fulinayso Somaliland ayaa la eegi doonaa heerka wax qabad ee uu ku soo kordhin doono degmada Laascaanood, waxaanu ku soo beegmay xili golaha degaanka uu ka dhamaad mudo xileedkooda.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool