4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
DP world oo shaqaleysiisay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Israa’iil, si ula wareegto dekeda Sudan
 

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Shirkadda DP World ayaa shaqaaleysiisay Ben-Menashe  oo ah sarkaal horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Israa’iil, si ay ugu ololeeyaan maamulka madaxweyne Trump oo ka taageeraya dalabkooda ah in ay maamusho dekada ugu weyn ee Suudaan.

Shirkadda ayaa saxiixday heshiis $ 5 milyan ah - oo $ 1.5 milyan oo doollar kamid ah horey loo bixiyay.

Suudaan waxay dekedeeda heshiis hore oo ku kacayay $ 2.4 la gashay shirkad Filibiin ah oo hoos imaanaysay Madaxweyne Cumar al-Bashiir. Laakiin golaha kumeelgaarka ayaa baabi'iyay heshiiskii bishii Abriil 2019, ka dib markii xukunka laga tuuray Al-Bashiir.

Ben-Menashe oo madaxweyne ka ah shirkad ka shaqeysa arrimaha qandaraaska ciidamadda oo lagu magacaabo Dickens & Madson ayaa  website-ka Al-Monitor u sheegay in DP World ay horay u fiirineysay dekada xilligii Al-Bashiir.

Wuxuu intaas ku daray inuu isagu wali u taagan yahay danaha Suudaan laakiin uu hadda u shaqeynayo golaha rayidka kaasoo golaha milatariga ku-meel-gaarka ah xilka kala wareegay bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.

Tallaabadan ololaha ah ayaa imaanaysa iyadoo shirkadda DP World, oo inta badan ay leedahay boqortooyada Dubai, ay sannadkan sameysay ballaarintiisii ugu horreysay waaxda saliidda iyo gaaska, iyadoo in ka badan $ 1 bilyan ka heshay shirkadda Dubai ee Topaz Energy and Marine

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabtu waxay si qoto dheer ugu lug lahaatay howlaha kumeelgaarka ee Suudaan waxayna balanqaaday inay balaayiin doolar ku bixin doonto xasilinta wadanka kadib bur burkii Cumar Xasan Al-Bashiir.

Rohan Advani, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska arrimaha dibedda ee magaciisa la yiraahdo The Century Foundation oo wax ka qoray shirkadda DP World iyo xiriirka ay la leeyihiin qoysaska haya Emirati, ayaa sheegay in Imaaraadku ay caddeeyeen in ay ku dadaalayaan sidii ay u ballaarin lahaayeen saameynta gobolkaas. Dhibaatada ka jirta Suudaan, ayuu yidhi, “waa in lagu soo rogo cunaqabateyn caalami ah.

Shirkadda DP World kuma ay ahayn wax qariib ku ah ololaha saameynta Mareykanka. Sannadkii 2006, shirkadda ayaa lagu qasbay inay ka baxdo dalab ay ku dooneysay inay ka shaqeyso lix dekedood oo Mareykan ah.

Ben-Menashe, wuxuu horey u matalayey xoogaga bari ee Libya Khalifa Hifter, sanadkii lasoo dhaafayna wuxuu saxiixay $ 1 milyan oo doolar si uu uga caawiyo musharixii madaxweynaha Tunisia Nabil Karoui.

Qandaraaskaas wuxuu ku noqday fadeexad weyn Tunisiya wuxuuna gacan ka geystay guuldaradii Karoui kadib markii Al-Monitor ay markii ugu horreysay sii daysay jiritaankeeda xogta la xadhiidhta arrintaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]