4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Al-shabaab oo ku habjabay inay weerarayaan saldhigyada maraykanka
    

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan bartilmaameedyada Mareykanka ee adduunka oo dhan maalmo kadib markii ay qaadeen weerar aan horay loo arag oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

‘Waxaan nagu ballan ah dhiig daadin kale oo ka dhan ah askarta Mareykanka iyo rayidkooduba” ayaa lagu yiri hanjabaada kasoo baxday ururka Alshabaab.

Alshabab waxay sheegeen weerarkii xerada Maraykanka ee Manda Bay ee kutaala Kenya in uu ahaa weerarkii ugu dhimashada marka loo eego beegsiga ciidamada Maraykanka tan iyo 2017.

Gen Stephen Townsend, oo ah taliyaha AFRICOM, ayaa ku taliyay in wax laga qabto ka hor inta aysan shabakadda Alshabaab ku fidin meelaha kale, ayna ku laayaan muwaadiniinta Mareykanka ee dalkooda ku sugan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]