1/25/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Puntland oo shaacisay xilliga xukunka lagu fulinayo raggii kufsaday oo dilay Caa’isha Ilyaas


 

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay  waqtiga la fulin doono xukunka dilka ah ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday islamarkaana dilay Caasho Ilyaas Aadan.

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sannadkaan marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Bosaaso.

Xukumanayaasha ayaa laga wareejiyay xabsiga dhexe Garowe, sababo lagu sheegay in aan xabsigaas loo ogolayn in lagu hayo dad ku xukuman dil toogasho ah, isagoo xabsigaas ay taageerto hay’adda UNODC.

Qoyska Caa’isha Ilyaas, ayaa xeer ilaalinta u gudbiyay codsi ku saabsan in loo qisaaso raggii gabadhooda dilay. 


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]










Click here
1/12/2020 2:51 PM EST
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Maamulka Puntland ayaa digniin ka bixiyay Roobab dufaano Wata oo kusoo foodleh xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

1/12/2020 11:18 AM EST
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiye ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland.

1/12/2020 10:33 AM EST
Axad, Janaayo 12, 2020 (HOL)-Mashruuca horumarinta degmooyinka ee loogu yeedho JPLG 'Joint Programme on Local Governance' ayaa munaasibad lagu durayo lagu qabtay hotel Casuura ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

1/12/2020 8:07 AM EST
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Shirkadda DP World ayaa shaqaaleysiisay Ben-Menashe oo ah sarkaal horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Israa’iil, si ay ugu ololeeyaan maamulka madaxweyne Trump oo ka taageeraya dalabkooda ah in ay maamusho dekada ugu weyn ee Suudaan.

1/12/2020 5:42 AM EST
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan bartilmaameedyada Mareykanka ee adduunka oo dhan maalmo kadib markii ay qaadeen weerar aan horay loo arag oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

1/12/2020 1:48 AM EST
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay uga wada hadleen arrimaha Doorashooyinka ku soo foolka leh dalka

1/12/2020 1:27 AM EST
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta fadhiggii ugu horreeyay ee ay ku yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug