4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo maanta fadhiggiisii ugu horeeyay ku yeelanaya Dhuusa-Mareeb

 

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta fadhiggii ugu horreeyay ee ay ku yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in xildhibaannadu ku doortaan guddoon ku meel-gaar ah oo soo diyaarin doona jadwalka doorashada guddoonka rasmiga ah.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa dhexdooda waxaa ay iska soo xuli doonaan Guddi doorasho,kaas oo asteeya hanaanka iyo habraaca doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Guud ahaan marka la eego magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa amaankeeda siweyn loo adkeeyay iyadoo ay halkaa ka soconaya kulamo kala duwan oo salka ku haya ololaha doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo kan madaxweynaha. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]