4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Soomaaliya oo lumin karta xuquuqda codbixinta UN-ka haddii aysan bixin deynta lagu leeyahay oo dhan $1.5m
 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Soomaaliya ayaa halis ugu jirta inay lumiso codkeedii golaha guud ee Qaramada Midoobay, haddii aysan ilaa bisha Sebtember ee sannadkan bixin amaahdii ay ku lahayd Qaramada Midoobay.

Golaha Guud ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka badbaadiyay Soomaaliya, Comoros iyo Sao Tome iyo Principe in ay codkooda ka waayaan golaha. laakiin wuxuu amar ku siiyay inay haystaan illaa dhamaadka kalfadhiga 74aad ee dhacaya bisha Sebtember.

Golaha ayaa go’aaminaya in Comoros, Sao Tome iyo Principe iyo Soomaaliya loo oggolaan doono inay ka codeeyaan Golaha Guud illaa dhammaadka kalfadhiga toddobaatan iyo afaraad.

Qodobka 19aad ee Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu dhigayaa in xubin ka mid ah golaha oo deyn lagu leeyahay ay la mid tahay inuu lumiyo codkiisa Golaha Guud.

Si kastaba ha noqotee, wadamada aan awoodin inay ka soo baxaan waajibaadkooda lacageed oo ay ugu wacan tahay duruufaha ka baxsan maamulkooda waa laga dhaafi karaa.

Sida ku xusan warqad ku taariikhaysan 7-da Janaayo 2020 oo ka soo baxday Xog-hayaha Guud loona gudbiyey Madaxweynaha Golaha Guud, waddamada deynta lagu leeyahay ee ay ku jirto Soomaaliya , ayaa la faray in ay hoos u dhigaan daynta lagu leeyahay, si ay uga sare maraan qiimaynta labadii sano ee la soo dhaafay (2018 iyo 2019).

Waraaqda waxay tilmaamaysaa in Soomaaliya ay tahay in ay bixiso $ 1, 451 951 si ay u soo celiso amaahda ugu yar ee la aqbali karo.

Qaramada Midoobay waxay horey u xayirtay codbixinta toddobo dal xuquuqdooda, kadib markii ay bixin waayeen lacagihii lagu lahaa, waxayna kala yihiin: Bartamaha Afrikada Dhexe, Gambiya, Lubnaan, Lesotho, Tonga, Venezuela (Jamhuuriyadda Bolivaria) iyo Yemen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]