4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Donald Trump oo ballaarinaya xanibaada safar ee dalalka Islaamka iyo xisbiga dimuqraadiga oo ka hortagaya

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Sharci dejiyaasha dimoqraadiga iyo kooxaha xuquuqda madaniga ah ayaa si weyn u hadal haya qorshooyinka Aqalka Cad ku doonayo in uu ballaariyo xayiraada safar ee lagu bartilmaameedsanayo waddamada muslimiinta ah ee aqlabiyadda ku leh dalal dhowr ah.

Xayiraadda maamulka Trump ee socdaalka ee saaran toddobo waddan oo muslim ah, ayaa si weyn loogu kordhin karaa illaa iyo toddobo dal oo dheeri ah, sida ku xusan dukumiintiyo la helay oo dhigaya xayiraad la ballaariyey iyo xannibaado kale.

Sharci-dajiyayaasha Muslimka ah Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar, ayaa si adag u dhalleeceeyay qorshahaan, waxayna ku baaqeen in la meel mariyo sharciga federaalka ee mamnuucaya xayiraada Trump.

“Ma jirto Sugitaan dambe, Muslimiin aad u tiro badan ayaa si ula kac ah loo bartilmaameedsaday, loo takooray, lakala geeyay qoysaskooda, waxaana loo diidey fursadaha kaliya ku saleysan diintooda. Ayay tiri Rashida Tlaib.

Waqtigan xaadirka ah, u safridda Mareykanka waxaa ka mamnuuc ah waddamada sida weyn loo yaqaan ee Muslimka ah ee Iran, Libya, Soomaaliya, Syria iyo Yemen. Safarka sidoo kale waa ka mamnuuc Venezuela iyo North Korea.

Wadamada cusub ee uu saameeyay xayiraada ayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Suudaan iyo Chad, oo lagu soo daray cunaqabateyntii maamulka Trump ee bilowgii 2017, laakiin markaas hoos loo dhigay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]