1/25/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
War ka soo baxay kulan Asmara ku dhaxmaray madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea


 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulankii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Eritrea

Warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay :-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu  ka helay madaxweyne Isaias Afwerki. 

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  

 

 










Click here
1/11/2020 9:05 PM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Soomaaliya ayaa halis ugu jirta inay lumiso codkeedii golaha guud ee Qaramada Midoobay, haddii aysan ilaa bisha Sebtember ee sannadkan bixin amaahdii ay ku lahayd Qaramada Midoobay.

1/11/2020 3:36 PM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Sharci dejiyaasha dimoqraadiga iyo kooxaha xuquuqda madaniga ah ayaa si weyn u hadal haya qorshooyinka Aqalka Cad ku doonayo in uu ballaariyo xayiraada safar ee lagu bartilmaameedsanayo waddamada muslimiinta ah ee aqlabiyadda ku leh dalal dhowr ah.

1/11/2020 2:17 PM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goob joog u noqday maanta dhaarinta xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug

1/11/2020 8:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw- Cusmaan ayaa sheegay in ay maanta maxkamada sare ku wareejiyeen dhaxal koobka marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, oo ahayd gabadh 13-jir ah oo loo geystay kufsi iyo dil ka dhacay Gaalkacyo, bilowga sannadkii hore.

1/11/2020 8:02 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad.

1/11/2020 7:05 AM EST
Sabti, Janaayo ,11, 2020 (HOL)–Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Cabdiqadir Coday) ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somalilandshiling oo ganaax ah.

1/11/2020 6:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeero ahaayeen Boqorkii Cuman ayaa loo dhaariyay in uu badalo Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

1/11/2020 5:47 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Nin qirtay inuu katirsanaa Alshabab ayaa galay kaniisad ku taal Mombasa ee dalka Kenya. Maxkamad ayaa amartay in ninka la hayo 10 maalmood iyadoo lagu sameynayo baaritaan.

1/11/2020 1:33 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddex nin oo ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 13 jir ah, oo falkaas loogu geystay Gaalkacyo, sanadkii hore.

1/11/2020 12:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Dowlladda Iiraan ayaa sheegtay in ay si aan ula kaceyn ciidamadeedu u soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ukraine

1/11/2020 12:50 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowladda Cumaan ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Qaabuus Binu Saciid oo ahaa hoggaamiyihii guud ee dalkaasi.

1/11/2020 12:37 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL) –Dowladda Kenya oo ayaa sheegtay in ayfoojignaan dheeraad ah ka qabaan weerarro kale oo uga yimaada xoogagga Ururka Al-shabaab iyadoo heegan buuxa galisay ciidamadeeda.