4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Cumaan oo Suldaan cusub yeelatay

 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeero ahaayeen Boqorkii Cuman ayaa loo dhaariyay in uu badalo Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Haitham Bin Tariq al-Said oo ahaa Wasiirka Dhaqanka ayaa loo  dhaariyay inuu noqdo Hoggaamiyaha cusub ee Cumaan, isagoo ay ilmo adeer  yihiin Suldaanka geeriyooday.

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa isagu geeriyooday xalay, isaga oo ay da'diisu ahayd 79 jir.

"Anaga oo aad uga xun ayaa waxay boqortooyada u murugoonaysaa geerida boqor Sultan Qaboos bin Sacad, oo Jimcihii geeriyooday ," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay boqortooyada Cumaan.

Bishii aanu soo dhaafnay ayuu dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu howlo caafimaad u aaday dalka Biljim.

Ma cadda ilaa iyo imika xanuunka uu u geeriyooday Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

Intii uu xilka hayay ayaa waxaa uu dalkaasi gaaray hormar ballaaran, balse dadka ay siyaasadda isaga soo horjeedeen ayaa la aamusiyay oo cadaadis la kulmay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]