4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Nin qirtay inuu katirsan yahay Al-shabaab oo galay kanisad kutaala Mombasa
 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Nin qirtay inuu katirsanaa Alshabab ayaa galay kaniisad ku taal Mombasa ee dalka Kenya. Maxkamad ayaa amartay in ninka la hayo 10 maalmood iyadoo lagu sameynayo baaritaan.

Eedeysanaha ayaa u aaday kaniisadda si uu u qirto inuu ku lug lahaa kacdoonada Alshabab ay ka wadaan dalka Kenya, uuna hadda doonayo inuu kasoo waantoobo ficiladii uu sameeyay.

Baadariga kanisda ayaa qirashada ninkaan Ka dib wuxuu go’aansaday inuu u yeero booliska kaasoo xiray ninkaan.

Booliiska ayaa sheegay tuhmanaha oo dhowaan ka soo noqday Soomaaliya, uu hayo macluumaad muhiim ah oo ka caawin doona hay'adaha amniga ka hortagga weerarada argagixiso.

Waxay sheegeen booliiksu in tuhmanaha uu diyaar u yahay inuu bixiyo macluumaad gacan ka geysan doona soo qabashada dagaalamayaal badan oo Al-shabaab ka soo laabtay.

“Waa muhiim in la ilaaliyo aqoonsiga tuhmanaha. Wuxuu la shaqeynayaa saraakiisha amniga wuxuuna diyaar u yahay inuu na siiyo macluumaad qiimo leh oo ku saabsan howlgalada kooxda Alshabab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, ”ayuu yidhi sarkaal katirsan booliiska.

Dacwadiisa ayaa la dhagaysan doonaa 23-ka Janaayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]