Hiiraan Online
4/17/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2020
Puntland oo saddex sano oo xabsi ah ku riday masuul lagu helay musuq maasuq
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Maxkamad ku taala magaalada Bosaso ee Puntland, ayaa saddex sano oo xarig ah ku riday sarkaal katirsan wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo lagu helay inuu ka ganacsanayay shatiyo been abuur ah oo uu siin jiray ganacsatada kalluunka.
Maxamed Cali Muuse oo ahaa madaxii maaraynta kalluumaysiga ayaa xukunkiisa looga dhawaaqay maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bosaso kadib markii uu muddo u xirnaa baarista eedeymaha loo haystay.
Maxkamada waxay xoriyadiisa usoo celisay Mahad Cali Car-Car oo ahaa isu-duwihii wasaaradda kalluumaysiga ee gobalka Garadafuu, kaasoo eeda la wadaagay masuulka xukunka lagu riday ee dambiga lagu helay.
Xukumanaha ayaa haysta racfaan 30 cishe ah.
Madaxweynihii hore ee Puntand, Cabiweli Gaas ayaa sidaan oo kale masuuliyiin katirsan wasaaradda kalluumaysiga u xiray kuwana shaqada uga eryay kadib markii musuq maasuq lagu helay.
Sanadkaan gudihiisana, wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa shaqaale katirsan wasaaraddeed u xirtay arrimo musuq maasuq.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]