4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa uga qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Africa

 

Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maanta magaalada Addis Ababa uu uga qeybgalo shir-madaxeedkii 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan  Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada  Madaxweynaha cusub ee Midowga Africa sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo cururrada caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]