4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2020
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay shir wadatashi oo Puntland uga tashanayso aayaheeda Soomaaliya
 

Jimco, Feberaayo, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta magaalada Bosaso kaga dhawaaqay shir wadatashi oo looga arrinsanayo aayaha Puntland iyo sidii ay mowqif midaysan uga qaadan lahayd dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay shirkaas inuu Garowe ka qabsoomidoono 15-ka bisha saddexaad ee sanadkaan, ayna kasoo qeyb galidoonaan golayaasha Puntland, wakiilada Puntland u matala dowladda federalka Soomaaliya iyo cid walba oo talo ku leh masiirka Puntland.

Madaxweyne Deni, waxa uu sheegay inay heshiis adag ka gelidoonaan qadiyada dowladnimada Soomaaliya oo aysan cidina ku xadgudbi Karin. Wuxuu tilmaamay in quus laga taagan yahay rajada dowlanimada Soomaaliya.

“Waxaa nagu qasbay inaan maanta hadalno, aamuskeenii ayaa loo qaatay inaan raalli ku nahay sida ay wax u socdaan, marka Puntland inay caddeyso in aanay raalli ka ahayn waxa socda ayaan u muujinaynaa ummadda Soomaaliyeed,’ ayuu yidhi Deni.

Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay dhaqaalihii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ku burburinayso dagaalka dhinaca saxaafada ee ay kula jirto cid walba oo diidan sida ay wax ku socdaan.

Waxaa madaxweyne Deni markii ugu horeysay uu ka hadlay khilaafka dhinaca waxbarashada, waxaana uu sheegay in aysan Puntland uga baahnayn dowladda Soomaaliya wax shahaado ah.

" Waxaan la leeyahay shahaadada qaranka wax ka jiraa ma jiraan. Wax qaran uu bixiyo oo la wada leeyahay waa Passport-ka. Puntland iyadaa masuul ka ah masiirka ardaydeeda, waligeed iyadoo dowlad Soomaaliyeed aanay jirin ayay ardayda Puntland waxbarasho u aadi jireen dalka dibadiisa, iyadoo aan lagu xirin shahaado qaran." ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay hadalada wasiirka waxbarashada Soomaaliya uu kasii daayay saxaafada ay umuujinayaan sida ay dowladda federalka u doonayso in dalka ay ka maamusho Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]