4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2020
Mareykanka oo ku baaqay dib u heshiisiin udhaxeeysa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah
 

Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka inay dib u cusbooneysiiyaan go'aankoodii wada shaqeynta iyo iskaashiga.

Maraykanka wuxuu sheegay iskaashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, in uu muhiim u yahay si looga adkaado al-Shabaab oo dib loo soo celiyo dowladnimada, amniga, iyo barwaaqada ummadda Soomaaliyeed.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu sii wadayo dadaalkiisa wacyigalinta ee Dowladda Federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah.

“ Wada hadalka iyo isu tanaasulka ayaa lagama maarmaan u ah dhinacyada oo dhan si wax looga qabto caqabadaha amniga ee Soomaaliya.  Mareykanka waxaa ka go'an inuu hormariyo himilooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed lagu daabacay bogga safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Waxa kale oo warkaan lagu xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay inuu ka taageero dadka Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan dhisidda hay’ado dowladeed oo ka jawaaba baahiyahooda.

“Waxaan aqoonsan nahay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag, doorashooyinkii dhowaan dhacay waxay ahaayeen kuwo aan dhammaystirnayn, “ ayaa lagu yidhi qoraalka.

Maraykanku wuxuu ka codsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah, baarlamaanka, iyo dhammaan qeybaha ay quseyso in ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo in la hubiyo doorasho lagu kalsoonaan karo oo qabsoomta 2020/2021.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]