4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay 77% carruurta Soomaaliyeed in aysan helin waxbarasho


Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)- Shirka wadatashiga siyaasada waxbarashada dadban ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaas oo ay isugu tageen dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo hay’addaha taageera waxbarashada Soomaaliya.

Wadatashiga Siyaasada waxbarashada dadban, ayaa ah mashruuc lagu taageerayo hubinta saddex illaa shan milyan oo carruurta Soomaaliyeed ah oo aan helin waxbarashadii ay mudnaayeen.

Waxaa shirkaan ka qeyb galin dowlad goboleedka Puntland oo uga baaqday khilaafka kala dhexeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya arrimo la xidhiidha bixinta shahaadada dugsiga sare.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Soomaaliya, Axmed Xasan Yuusuf, ayaa sheegay 77% carruurta Soomaaliyeed in aysan helin fursad waxbarasho ayna dowladdu 30 sano kadib dib u eegayso heerarka kala duwan ee waxbarashada dhallaanka Soomaaliyeed.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay Puntland iyo Somaliland oo aan shirkaan ka qeyb galin inay horey qorshayaashaan uga hirgaleen degaanadooda, hadana ka dowlad ahaan ay doonayaan in la mideeyo siyaasada horumarinta waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee soo koraya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]