4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2020
Weriyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Puntland oo caawo Garowe lagu xiray
   

Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)- Ciiddanka amniga Garowe ayaa caawo fiidkii magaalada Garowe ku xiray weriye Cumar Maxamed Soomane oo ahaa weriyaha gaarka ah ee madaxtooyada Puntland.

Cumar Soomane ayaa loo xiray warbixinno uu siiyay idaacad maxali ah oo kutaala magaalada Muqdisho, warbixinaddaas oo ay Puntland ay ku tilmaamtay kuwa been abuur ah oo gefka iyo ku xad gudub ku ah maamulkooda.

Xarriga ka hor, madaxtooyada Puntlad ayaa shaqo joojin ku sameysay weriye Soomane, oo muddo kooban katirsanaa xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland, kadib markii Muqdisho looga dalbaday inuu noqdo weriyaha madaxweyne Deni.

Madaxtooyada Puntland way ka gaabsatay inay ka hadasho xarriga weriyahan, waxaana xusid mudan in masuuliyiinta ugu sareysay xafiiska warfaafinta madaxtooyada ay ku maqan yihin dalka dibadiisa.

HOL, oo la xidhiidhtay saraakiil katirsan laamaha amniga Puntland ayaa u sheegay in weriyaha lagusoo oogay dacwad ka dhan ah warbixino uu siiyay idaacadda Radio Kulmiye ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah warbixinada lagu haysto weriyaha ayaa ah, 150 arday oo dhawaan Puntland ka tagay una socday dalka Turkiga oo ay deeq waxbarasho ka heleen, ayuu ku sheegay weriyuhu in ardaydaas ay Muqdisho aadeen si ay u galaan imitixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya kadibna u qaataan shahaado.

Kadib markii warbixinadaas ay ku faafeen baraha bulshada, ayuu suxufigu bixiyay raali galin ku saabsan qaladkiisa isagoo sheegay inay ugeysay qibrad yari ku saabsan masuuliyadda uu hayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]