4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2020
DP World oo sheegtay dagaalka ganacsi ee Shiinaha iyo Maraykanka in uu saameeyay wax soosaarkooda dhaqaale
 

Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)- Shirkadda DP World, oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai, ayaa gacanta ku dhigtay 71.2 milyan sannadkii 2019 iyadoo dhaqaalaahan ka heshay guud ahaan dekeddaha caalamiga ah ee marinnada haamaha.

Waa horukac 1.0% ah marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay. shirkadda DP world waxaa ganacsigeedu uu ku baahsan yahay dalal badan oo ka kala tirsan Yurub, America, Australia iyo Afrika.

Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda DP World ayaa u sheegay warbaahinta in sanadkii 2019 uu ahaa sanad adag oo dagaal ganacsi ah uu dhex maray Shiinaha iyo Mareykanka, dagaalkaas oo suuqa u horseeday hubanti la'aan.

In kasta oo ay taasi jirto, wuxuu sheegay in DP- World ay soo saartay koror dhaqaale taas oo mar kale muujineysa adkeysiga ganacsigeed.

Bishii hore, shirkadda DP World waxay daahfurtay shirkad lagu magacaabo Al Rawdah, oo ah shirkad maraakiibta u kala adeegta taas oo ka dhex shaqayn doonta Ingiriiska iyo xeebta bari ee Hindiya.

DP- World ayaa gacanta ku haysa dekedaha Berbera iyo Bosaso ee Soomaaliya, iyadoo heshiis kula gashay Somaliland iyo Puntland in ay dekedahooda maalgalin balaaran ku sameyso islamarkaana ay maamusho muddo 30 sanno ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]