4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2020
Wasiir Beyle oo Jabuuti kula kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

 

Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya  Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya  Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta  Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan  mareysa,waxaa ayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta  deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

“Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada  hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]