4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2020
Raysal Wasaaraha Pakistan: Waa nasiib darro in 1.3 bilyan Muslimiin ah ay adduunka kaga saamayn badan yihiin 12 milyan Yahuud ah
 

Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)- Raiisul wasaaraha dalka Pakistaan Imran Khan ayaa sheegay cadaadiska diimeed ee lagu hayo muslimiinta adduunka oo dhan uu yahay kii ugu xumaa taariikhda aadanaha.

Raysal Wasaaruhu waxaa uu ku baaqay in muslimiintu aysan indhaha ka eegan waxa ka dhacaya Mayamar iyo Kashmir oo diintooda darteed loo cadaadinayo. "Ma doonayno in Ummada Muslimka ah ay isugu yimaadaan si ay ula dagaallamaan, laakiin waa in aan difaacno danahooda sida bulshada kale ay yeesho," ayuu yidhi Imran Khan.

Imran Khan wuxuu ka qoomameeyey muslimiin tiradoodu dhan tahay 1.3 bilyan, haddana inay ku silceen adduunka oo dhan, hadday ahaan lahayd Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq ama Afgaanistaan.

Si kastaba ha noqotee, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku ammaanay dhiggiisa Malaysia Dr Mahathir Mohamad inay dowladdiisa door muuqata ka qaateen Kashmir inkasta oo ay Hindiya ugu hanjabtay inay joojineyso soo dejinta saliida timirta.

Raiisel wasaaraha ayaa xusey in qof ka mid ah reer galbeedka aduunka uusan ku dhawaaqi karin hal kalimad oo ka dhan ah 12 milyan oo yahuud ah sababtuna tahay iyaga oo ah bulsho isku duuban, xoog badan oo saameyn leh.

Imran Khan waxaa uu nasiib wanaag ku tilmaamay in lasoo afjaray khilaafka u dhexeeyay Sacuudiga iyo Iiraan , wuxuuna muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay in Pakistan ay door ka qaadatay dhimista xiisadda u dhexeysa labada dowladood ee Muslimka ah. Wuxuu sheegay in argagaxisada iyo diinta aysan wax xiriir ah lahayn, wuxuuna tilmaamay in Muslimiintu ay wajahayaan takooris ku saleysan fikirkaan qaldan.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd hadii ay luntay rajadii dib u heshiisiinta ee uu la lahaa India, ra’iisal wasaaruhu wuxuu yidhi, “Mar alla markii ay dawlad ka dhacdo India oo rumeysan barwaaqada iyo yareynta saboolnimada, Pakistan ayaa noqonaysa qofka ugu horreeya ee gacan siiya saaxiibtinimada.”

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]