4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2020
Burco: Shil gaadhi oo sababay toddoba dhimasho ah iyo afar dhaawac ah

 

Arbaca, Febraayo 05, 2020 (HOL)Toddoba qof ayaa u geeriyooday, afar kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay duleedka magaaladda Burco.

Gaadhigan oo siday 11 qof ayaa ku qalibmay inta u dhexeysa degmada Sheekh iyo magaaladda Burco, waxaana markiiba halkasi ku geeriyooday lix qof, hal qof oo dhaawac ahina markii dambe ku geeriyooday cisbitaalka Burco, waxaana dhaawac ka soo gaadhay afar qof.

Toddoban qof ee geeriyooday ayaa kala ah afar dumar ah, laba nin iyo ilmo yar, waxaanu ahaa gaadhi nooca looyaqaan NOAHA.

Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.