4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo dheeraad ah u direysa qeybo ka mid ah gobolka Gedo

 

Arbaco, Feberaayo, 05, 2020 (HOL)-Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Ciidamo ay horay ugu dirtay dowladda gobolka Gedo ayaa la wareegay gacan ku heynta degmooyinka BeledXaawo iyo Dooloow oo ay ku xooganaayeen ciidamo daacad u ahaa Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay baadi-goob ugu jirto dowladda kaddib markii uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in dowladdu mas'uul ka tahay sugida Amniga deegaannada ay la wareegeen ee ka tirsan gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Dowladda  Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii Gobolka Gedo oo dhan ula wareegi laheyd, islamarkaana ka goyn laheyd Maamulka Jubbaland, waxaana horay u jiray eedeymo loo jeedinayay dowladda Soomaaliya oo la xiriiray in ay fara-galin ku heyso nabad-galyada deegaannada Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]