4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2020
Wasiir Sadiq Warfa oo Paris uga qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada

Talaado, Feberaayo, 04, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo maanta ka furmay  magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shirka ku soo bandhigaya dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la'aanta.

"Xukuumadda iyo wasaaradda aan hoggaamiyo ee mas'uulka ka ah shaqada waxay dadaal muuqda sannadkii u dambeeyay galisay sidii loo heli lahaa fursado shaqo, taas ayaana ah midda aan ka duuleyno maaddama tirada ugu badan ee bulshadeennu ay dhallinyaro yihiin." ayuu yiri Wasiir Sadiq.

Shir weynaha ayaa inta uu socdo qodobbada kale ee diiradda la saarayo waxaa ka mid ah  sida ugu dhow ee ay u wada shaqeyn karaan Dowladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha, si wada jir ahna uga shaqeyn karaa horumarka dalka.

Docda kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiq Warfa wuxuu la kulmay Ra'iisul wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven oo uu u gudbiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go'antahay wada-hadallada bulshada iyo xal u helida shaqada,iyadoo wadajir loo shaqeynayo. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]