4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2020
Shiikh Shaakir oo kasoo horjeestay doorashadii lagu doortay madaxweyne Qoorqoor
 

Talaado, Feberaayo, 04, 2020 (HOL)- War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug garabka uu hoggaamiyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in ay aqoonsaneyn Doorashadii ka dhacday Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, 02/2/2020.

Waxay ku sheegeen warsaxaafadeedka in aanu jirin wax wada hadal ah oo ay kula jiraan dowladda federalka Soomaaliya si ay uga tanaasulaan mowqifkooda ay ku diidan yihiin doorashada lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay sidoo kale kaga hadleen khilaafka waxbarashada ee dowladda federalka iyo Puntland, iyagoo ku baaqay in aan la siyaasadayn masiirka ardayda.

Halkaan hoose ka akhriso.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]