4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

 

Talaado, Feberaayo, 04. 2020 (HOL)-Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo Cabdirashid Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda ayaa waxaa ay arintan xiriir kala sameysay  Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo  danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah  xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. 

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dhiggeeda dalka  Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo  wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo  xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo  adkeynta xasilloonida.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imanaya xili sidan oo kale qoraal ka soo baxay hay'adda Amensty International oo lagu looga codsaday Kenya in u gacan galiso dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Janan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]