4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2020
Uganda oo sheegtay bishaan dhamaadkeeda in ay bilaabayso kala bixida ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya
 

Talaado, Feberaayo, 04, 2020 (HOL)- Militariga Ugandha ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamadooda nabad ilaalinta ee la geeyay Soomaaliya dhamaadka bishaan.

Brig. Richard Karemire, afayeenka milatariga Uganda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa u sheegay in qaybta labaad bixitaanka ciiddamadooda ay ka badan tahay 6,000 oo askari oo ka hoos shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayna dhici doonto 28ka Febraayo.

Taliyayaasha ciidamada AMISOM ayaa dabayaaqadii bishii hore go’aansaday inay ka jaraan 1000 askari oo kale oo dheeraad ah oo ka socda ciidamada nabad ilaalinta ee gobolka Geeska Afrika in kasta oo ay kordheen weerarada ka imanaya Shabab.

Marka loo eego AMISOM, maadaama tirada ciidamada la dhimayo, ciidamada amniga Soomaaliya ayaa la wareegaya mas'uuliyada amniga dalka.

Uganda ayaa sanadkii 2017 kala baxday 281 nabad-ilaaliyeyaal iyada oo qayb ka ah yaraynta in ka badan 6,000 oo ciidan ah oo ka jooga Soomaaliya.

Sida ku xusan qorshaha kala guurka ee lagu heshiiyey 2017, AMISOM waxaa laga rabaa inay si tartiib tartiib ah ciidamada amniga Soomaaliya masuuliyadda amniga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]