4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2020
Shiinaha oo karantiilay ardayda Africaan ah ee ku sugan gobolka Wuhan
 

Talaado, Feberaayo, 04, 2020 (HOL)- Qiyaastii 4,600 oo arday Afrikaan ah ayaa ku xanniban gobolka Shiinaha ee ka dillaacay cudurka Coronavirus. kaasoo si dhakhso ah u fidaya, sida ku xusan xog aruurinta la sameeyay.

Gobolka Bartamaha Shiinaha ee Hubei, oo ay kutaalo jaamacad caan ah oo loogu talagalay ardayda Afrikaanka ah, ayaa xudunta u ah fayraska halkaasoo tirada ugu badan ee dhimashada ay ka dhacday tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore.

Wuhan, waa caasimad goboleedka ay ku noolyihiin dad gaadhaya 11m, waxay ku sugan tahay xaalad gabi ahaanba aad looga deyriyay.

Ardayda Afrikaanka ah ee ku xayiran gobolka  ayaa la faray inay raacaan tilmaamaha ay dejisay dowladda Shiinaha oo ka mamnuucaysa inay aadaan banaanka ama nooc kasta oo safar ah.

Hadday ardaydu rabaan inay dalkoodii ku noqdaan, dawladda Shiinuhu waxay raadineysaa dammaanad qaadka waxaa looga fadhiyaa si badbaado leh muddo 14-maalmood ah markay yimaadaan.

Hannah Ryder, oo ah Maamulaha hay’adda horumarineed ayaa warbixin ka bixisay ardaydaas, iyadoo sheegtay in ay xaaladdu aad uga sii darayso  iyada oo loo aaneynayo nidaamyada karantiilinta adag iyo mamnuucista gaadiidka.

Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Faransiiska, Japan iyo Australia ayaa horeyba uga daadgureeyay qaar ka mid ah muwaadiniintooda oo loo beddeli doono meelo amaan ah muddo labo toddobaad ah si ay gacan uga geystaan yareynta masiibada.

Iyada oo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caalami ah, ayaa dawladaha Afrikaanka ah ay ku mashquulsan yihiin sidii ay isu abaabuli lahaayeen. Morocco iyo Aljeeriya waxay si cad u sheegeen inay damacsan yihiin daadgureynta muwaadiniinta, iyadoo dhowr dal oo kale oo Afrikaan ah la filayo inay raacaan.

Si kastaba ha noqotee, nidaamyada daryeelka caafimaad ee liita ee Afrika awgood Shiinaha ayaa diidan inay u oggolaato dawlado inay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda ku xayiran Hubei.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]