9/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2020
Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arab Moi oo geeriyooday

 

Talaado, Feberaayo, 04, 2020 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saqdii dhexe ee xalay uu geeriyoodey Madaxweynihii hore ee dalka kenya Danial Arab Moi.

Madaxweynaha ayaa bilihii ugu danbeeyayba la sheegay in uu xanuunsanaa kuna jirey Isbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo  lagu daweeynaayey ,ugu dambeena uu xalay geeriyoodey.

Waxaa uu ku dhintay da'da 94 sano jir, isaga oo dalkaasi soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa  muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la  tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]