4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
Dad Aroos u socday oo ay miino la Qaraxday

 

Isniin, Feberaayo, 03, 2020 (HOL)-Inta la xaqiijinayo Afar ruux ku dhimtay Lix kalana dhaawac ay soo gaaray kaddib markii miino ku qarxday gaari ay la socdeen xili marayeen waddada isku xirta degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay  ayaa la sheegay in dhamaantood ay ahaayeen dad rayid ah oo xiligaa ku sii jeeday xaflad Aroos.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyada weerarkan, inkastoo  degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan  maleeshiyada ururka Al-Shabaab. 

Babauurka ayaa la sheegay in uu ahaa nooca Kaarib, waxaana la sheegay guud ahana inay saarnaayeen shan qof.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ah deegaannada ay inta badan dirirtu ku dhaxmarto ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab iyadoo jidadka isku xira degmooyinka gobolka lagu aaso walxaha qarxa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]