Isniin, Febraayo 03, 2020 (HOL )– Xasan Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa guddida doorashooyinka Somaliland ayaa mar dhowayd iska casilay guddidaasi si ay u qabsoonto doorashooyinkii mararka badan dib u dhacday.
Xubintan iska casilay guddida doorashooyinka ayaa ahaa xubintii uu
xisbiga UCID u magacaabay guddida, waxaanay sheegeen in danta dalka iyo dadka
darteed uu iskaga casilay.
“Waxaan go’aansaday in aanan qayb ka noqon in dimuqraadiyada Somaliland
mugdi gasho, markaan arkay caqadaha hor
istaagay in doorashooyinku qabsoomaan iyo hab raaci dimuqraadiyada inaan u
fududeeyo dalkayga iyo dadkayga oo ka qayb noqdo xalka u horseedaya inay doorashooyinku dhacaan taas oo somaliland
ku soo caano maashay, waxaana tixgalinaya codsigii nooga yimid xisbiyada”ayuu
yidhi Xasan Yuusuf Ducaale.
Waxaanu ka codsaday xubnihii kale inay is casilaan “Waxaan ka codsanaya
xubnaha kale inay u dhego nuglaadan codsigi xisbiyada uga yimid ee ahaa inay is
casilaan maadaama oo aanay jirin cid ay doorasho u qabanayaan.”
Guddidan doorashooyinka waxa ka hor yimid xisbiyada mucaaradka, madaxweynuhu
waxa uu sheegay in aanu awood u lahayn inuu kala diro illaa ay is casilaan
mooyee, waxaanay xisbiyadu ka dalbadeen inay iskood isku casilaan si ay u
qabsoonto doorashooyinkii mudadda badan la filayey inay dhacdo ee golaha
Wakiilada iyo deeganka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.