4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
Amnesty '' Waan in la soo qabtaan Cabdirashiid Janan

 

Isniin, Feberaayo, 03, 2020 (HOL)-Hay’adda Amnesty International ee xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.

War ka soo baxay hay'adda ayaa lagu sheegay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo cuslus” 31-kii  August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.

Waxaa ay sheegtay Amensty International inay tahay arrin aan caqligal ahayn in Cabdirashiid Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda.

Waxaa ay ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato, si degdeg ahna ugu gacan geliso dawladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay maxkamadayntiisa ka dhigto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah, iyadoo aan dib loo ridin.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Jannaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]