4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
Xukuumadda Somaliland oo caruurta ku dhasha wadanaha oo daloolla bilaash uga dhigtay dawayntooda


Isniin, Febraayo 03,2020 (HOL )–Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goor habeenimo ah booqday cusbitaalka gaar loo leeyahay oo lagu dabiibo caruurta yaryar ee ku dhasha iyaga oo wadnuhu daloolo, taas oo kharashkooda ay bixiso dawladdu.

Caruurtan ku dhasha wadnaha oo daloola ayaa dawladdu ka bixisa lacagta lagu dawaynayo, taas oo wax kharash ahi kaga bixin qoysaskooda sida ay xukuumadu sheegtay.

Qaar kamid ah dhakhaatiirta gacanta ku haya daaweynta loo sameeyey ubadka yar yar ee wadnuhu daloolay oo halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey dedaalka ay u galeen carruurta yar yar iyo dhibaatadii ay hore u soo mareen, waxana ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan caawinta ubadka yar yar, iyaga oo madaxweynahana ku ammaanay sida uu ugu dhiirraday inuu bixiyo kharashka lagu daboolay baahida caafimaad ee ubadkaas.

Madaxweyne Biixi ayaa dhakhaatiirta uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen daaweynta ubadkaas yaryar, waxana uu caddeeyey inuu carruurtaas kharashkii lagu daaweeyey ka bixiyey qasnadda qaranka, waxana uu yidhi, “Kharashku waa kharashkii qaranka, xaq baynna ku leeyihiin, ninka masuulka ahina wixii qaranku hayaa, wax Hooyaday iyo Aabahay iiga tageen oo anigu aan leeyahay oo gaar ah maan bixine waa xoolihii qaranka, iyagaana ugu mudan oo qofka bukaanka ahina qaranka wixiisa wax buu ku leeyahay.”

Carruurta soo dhalata iyaga oo wadnuhu daloolo, ayaan hore dalka gudihiisa waxba lagaga qaban jirin, islamarkaana intii kharash hesha oo kali ahi ay dalka dibaddiisa qaban jirtey, balse madaxweynaha ayaa go’aansaday inuu isagu bixiyo kharashkaas, dalka gudihiisana la keeno agabka iyo dhakhaastiirta loo baahan yahay si ubadkaas dalka wax loogu qabto.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu cusbitaalka International ee magaalada Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Diiriye oo ah Aabaha dhalay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo xaalad caafimaad u jiifa halkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.